DFS oo Dib u Howlgelisay Sheybaarkii Guud Ee Qaranka

0
210

Muqdisho(INO)-Kadib mudo 25-sano ayaa waxaa ay maanta markii ugu horreysay ay dowladda dib u howlgelisay xaruntii sharbaarka qaranka ee magaalada Muqdisho.

Dib u howl-gelinta sheybaarka qaranka, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka caawiyey hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Cabdiqani Sheekh Cumar.

Xarunta wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale ay WHO keentay qalab casri, oo saamixi doona in lagu fuliyo baaritaanno ay markii horey adkeyd in lagu fuliyo gudaha dalka Soomaaliya.

Shaqaale caafimaad oo Soomaali ah iyo khuburo ka socda WHO, ayaa isla maanta billaabay inay fuliyaan baaritaanno sheybaar, oo xarunta sheybaarka ka dhex dhacaya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here