Delhi(INO)—119 ruux oo Soomaali ah oo lagu eedeynayo burcad badeed ayaa la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Kala Ghoda ee dalka Hindiya.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku xirnaa xabsiga Taloja ee Navi Mumbai, waxana dadka ku nool Kala Ghoda ay la noqotay la yaab kadib markii toban baabuur oo ay ilaalinayaan 180 askari, waxana maxaabiistan Soomaalida ah la geliyay qol loogu talogalay ugu badnaan labaatan ruux.
Dadkan oo u badnaa dhalinyaro ayaa afar sano iyo shan bilood waxa ay ku jireen xabsiyo ku yaal dalka Hindiya iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin.
Qaar ka mid ah dhalinyaradan lagu eedeeyay burcad badeednimada ayaa ilmo indhahooda ka timid sida ay daabaceen wargeysyada dalka Hindiya waxana ay dalbanayeen in si degdeg ah loo maxkamadeeyo ama la sii daayo.
Maxaabiistan ayaa dhibaatooyin kala kulmay xabsiyada ay ku jireen iyadoo aysan jirin cid arrintooda wax ka qabata.
Mid kamid ah dhalinyaradan Soomaalida ah ee lagu eedeeyay burcad badeednimada oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Mire oo ah qofka kaliya ee luqada Englishka ku hadli kara ayaa maxkamada u sheegay inuusan ahayn burcad badeed balse isaga qudhiisa la afduubtay isl amarkaana la saaray markab laguna qasbay in uu u tarjumo burcad badeeda iyo dadkii lahaa markabka.
Ma jiro illaa iyo haatan wax xukun ah oo muwaadiniintan Soomaalida ah ku ridey waxana dib loogu celiyay xabsigii ay ku jireen. Boqolaal Soomalai ah oo badankood ah dhalinyaro ayaa ku kala xiran xabsiyo ku yaal wadamo caalamka ka mid ah iyagoo loo haysto burcad badeednimo.
Idale News Online,Delhi