Baydhabo(INO)-Madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu maanta kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada BaydhabaRugta ganacsiga Koonfur Galbeed iyo ganacsatada gobolka Bay gaar ahaan kuwa degmada Baydhabo.
Madaxweynaha iyo ganacsatada ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay ganacsatadu qayb uga qaadan lahaayeen horumarinta ganacsiga gobolada Koonfur Galbeed una taageeri lahaayeen Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka ay wada qaateen madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Rugta ganacsiga Koonfur Galbeed oo ay weheliyaan ganacsatada degmada Baydhaba ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay qaar ka mid ah wasiirada maamulka Koonfur Galbeed iyo maamulka gobolka iyo kan degmada Baydhaba.
Ugu horeyntii ayaa waxaa shirka furay gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada mudane Cabdullaahi Cali Watiin isaga oo intaas ka dibna kusoo dhoweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasoo isna ku dhiiri geliyay ganacsatada inay maal gashtaan goboladooda waxna ka qabtaan shaqo la’aanta ka jirto gobolada Koonfur Galbeed iyo weliba dib u dhiska deegaanadooda.
Dhankiisa gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Koonfur Galbeed Axmed Macallin Isaaq oo isna ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay inay ganacsatada gobolka Bay ka cabanayaan gaadiidka u raran iyo kuwa kale ee adeegsado wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Baydhaba inay ku bixiyaan lacago fara badan meelaha qaar sidii ay u adeegsan lahaayeen wadada.
Sidoo kale ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen inuu bur bur xoogan ka muuqdo wadada u dhaxeyso Buurhakaba iyo Baydhaba oo ay u baahantahay in la dayactiro.
Ganacsatada waxa ay sidoo kale sheegeen in wixii khandaraasyo ah ee ay qaataan ganacsatada dalka laga qadiyo oo aysan helin una baahanyihiin inay ka helaan saamigooda khandaraasyada ay bixiyaan dowladaha iyo hay’adaha daneeyo arimaha Soomaaliya maadaama dalka uu qaatay nidaamka federaalka.
Madaxweyne Shariif Xasan oo ka jawaabayay waxyaabaha ay ka hadleen ganacsatada ayaa waxa uu sheegay inay ka maamul ahaan qorsheynayaan inay ciidamo geeyaan goobaha qaar si ay amaanka gaadiidka ganacsatada u raran u sugaan islamarkaasna ay wax weyn ka qabanayaan cabashooyinka kale ee ganacsatada.
Ugu dambeyntii kulanka oo kusoo idlaaday jawi wanaagsan ayaa waxa ay ganacsatadii ka qayb gashay sheegeen inay ku faraxsanyihiin la kulanka madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com