Baydhabo(INO)-Wasiir kuxigeenka wasaarada tamarta, biyaha iyo macdanta DFS Cabdixakiin Cige Guuleed oo booqasho ku jooga magaalada Baydhaba e exarunta gobolka Bay ayaa waxa uu soo booqday ceelasha biyaha Boonkay, War-Janaay, wakaalada biyaha Baydhaba iyo weliba shirkada ugu weyn ee dhanka korontada magaalada Baydhaba ee lagu magacaabo Baidoa Electric.
Wasiir kuxigeenka oo ay weheliyaan wasiirka tamarta, macdanta iyo biyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Aadan Xasan Maxamed (Osama), gudoomiyaha gobolka Bay mudane Cabdirashiid Cali Maxamed iyo gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada mudane Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa waxa ay booqashadiisu ahayd sidii u ugu kuur gali lahaa ilaha biyaha iyo korontada magaalada Baydhaba iyo weliba inuu qiimeeyo baahiyaha jiro.
Agaasimaha shirkada biyaha War-Janaay ayaa u sheegay wasiir kuxigeenka iyo masuuliyiintii la socotay inay magaalada Baydhaba u baahantahay biyo badan islamarkaasna ay jiraan ceelal laga qoday magaalada oo aan wax biyo ah laga helin.
Agaasimaha waxa uu dhanka kale sheegay inay dadka magaalada Baydhaba ka nasteen cuduradii ka dhalan jiray biyaha ceelasha aan nadiifka ahayn sida shuba biyoodka ayada oo ay hada ka shirkad ahaan xooga saareen nadaafada biyaha ay magaalada siiyaan.
Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale booqasho kusoo bixiyay shirkada korontada ee Electric isaga oo soo eegay sida ay u shaqayso shirkadaas.
Dhankiisa wasiirka tamarta, biyaha iyo macdanta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Aadan Xasan Maxamed ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan wadaan qorshe ay wax kaga qabanayaan baahiyaha biyo iyo koronto ee ka jiro gobolada Koonfur Galbeed ayaga oo ku bilaabi doona magaalada Baydhaba.
Wasiirku waxa uu sheegay inay shirar dhowr ah kagasoo qayb galeen dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ayna haystaan balanqaadyo ku aadan in wax lagala qabto adeegyada biyaha iyo korontada gobolada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ka arimiso.
Gudoomiyaha gobolka Bay iyo kan degmada Baydhaba ayaa soo dhoweeyay booqashada wasiirka iyo weliba dadaalka ay dowlada federaalka Soomaaliya ku doonayso inay ka caawiso maamulkooda dhanka adeegyada biyaha iyo korontada.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com