Daawo: Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Ee KGS Oo Maanta Baydhabo Ka Bilowdey Barnaamijka Wacyi-galinta Faydhoorka Hilibka Iyo Caanaddda

0
256

Baydhabo(INO )- Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Iyo Dhirta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Waxay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Ka Bilowdey Barnaamijka Wacy-galinta Faydhoorka Hilibka Iyo Caanadda.

Munaasabadda Furintaanka waxa Ka Qiib galey Wasiirka Wasaaradda Xanaanaddda Xoolaha Iyo dhirta  Madoobe Nuunow Maxamed Iyo Ku Xigeenkiisa, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin, Gudoomiyaha Arimaha  Bulshadda Ee Degmada Baydhabo C/wahaab Garas, Goomiyaha Arimaha Bulshadda Ee Gobolka Bay Faysal C/qaadir iyo Xildhibaan Khaliif Duurey oo Ka Mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Federalka Soomaaliya.

Ugu horeyn waxa ka Hadley Godoomiyaha Degmadda Baydhabo C/laahi Cali Watiin, isagoona sheegey inuu muhiim yahay barnaamijka wacy-galinta Ee Ku aadan Faydhoorka Hilibka iyo Caanadda isla markaana ay wadoWasaaradda.

Barnaamijka Wacyi-galinta, waxa uu muhiim u yahay Shacabka Magaalada Baydhabo, isla markaana lagu ilaalinayo caafimaadka dadka ,bad qabka Neefka haboon in la qallo iyo ilaalinta daryeelka Xoolaha Nool” ayuu yiri  Gudoomiye C/laahi Cali Watiin.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Xanaanda Xoolaha iyo Dhirta  Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegey in wasaaradiisu ay xooga Saareyso Daryeelka Xoolaha iyo faydhoorka hilibka iyo Caanadda si looga hortago Cuduradda Isu gudba Xoolaha Iyo Dadka.

Barnaamijka wacy-galinta waa Shaqadii Ugu Horeysay Ee Wasaaraddu ay Qabto waaye, ilaalinta Nadaafadda Goobolaha, Lagu qallo, Laguna iibiyo Hilibka,lama qali karo Neef Xanuusan tani waa digniin hore, hadda  iyo waxii ka dambeeyo waxaa jiri Doona Ganaaax Ciidii ku Kacdo falkaasi, barnaamijka wacy-galinta, hadda waxaan ka bilowney Baydhabo, dhowaan waxaan Gaarsineyna Gobolka Shabellaha Hoose iyo Gobolka Bakool” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

Dhanka kale Xildhibaan Khaliif Duurey oo ka mid ah Mudanayaasha BFS Oo isna Ka Hadley Munaasabadda  ayaa tilmaamey in tan iyo markii ay burbutey Ee Dowladii Dhexe Ee Soomaaliya aysan Jirin olole Wacyi-galin ah oo ku saabsan Daryeelka Xoolaha iyo faydhoorka hilibka, isla markaana  waxa uu wasaaradda Xanaanadda Xoolaha  Ee Dowlada KGS ku Amaaney u Istaaga Barnaamijkaasi 25 sano ka dib.

Ugu dambeyntii, hawl-wadeenada wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Iyo dhirta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  waxay wacyi-galintu ay ka bilaabeen, Suuqa Xoolaha,Kawaanka Weyn Ee Degmada Baydhabo, iyo Goobo kale Oo badan iyagoona darbiyadda Magaaladu Ay ku dhejiyeenka Boorar Wacy-galin ah.

Halkan Ka Daawo Sawiradda.

 

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here