Baydhabo(INO)-Waxa maanta lagu soo geba gabeeyey macalin tiradooda gaarayso 15 macalin kuwaasoo ka kala socday jamacadda koonfurta soomaaliya iyo wasaaradda waxbarashada ee koonfur galbeed soomaliya
waxaana tababarkaasi bixinaayey Hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC). iyadoo tababaradaasi kor loogu qaadayey aqoonta macalimiinta ee dhinaca kormeerida, habsami u socodka waxbarashada dugsiyada hoose, dhexe, sare iyo qaabka casriga ee adduunka uu wax ku barto.
Waxaa musabadda geba gebadeeda waxaa ka hadlay masuul ka socda Hay’adda NRC Mudane Axmed Maxamed Maalin (Wiido) oo ka hadlay habsami u socodkii tababarkaan faa’iido badan u leeyahay macalimiinta tababarkaan qaatay ka dib waxaa ka hadlay.
Prof. Mohamed Ali Ahmed (Kalaay) oo ka hadlay qaabkii ay jaamacadda u soo dhaweysey tababarka iyo dadaalkii macalimiinta mudada shanta maalmood ee ay nala joogeen, waxaa kaloo meesha ka hadlay madaxa hay’adda NRC ee gobolada Bay Bakool Gedo
Ugu dambeyntii, Mudane Sayid Cali oo sheegay baahida loo qabay tababarkaan ee casriga ah oo loo bahan yahay in lagu dabaqo waxbarashada dalka ay ka socoto waxuu amaan u soo jeediyey maamulka jaamacadda koonfurta soomaaliya iyo macalimiinta ka qeyb qaadatay tababarkaan.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com