Daawo: Qarax dhimasho iyo dhaawac gaysey oo lala eegtay dad dibadbax nabadeed ka dhigaayey Ankara, turkey

0
181

Wararka ka imaanaya magaalada caasimada u ah dalka Turkiga ee Ankara ayaa sheegaya in ka badan 86 Qof ay ku dhinteen tiro kabadan 186 ka badan ay ku dhaawacween labo qarax oo is xigxigey oo ka dhacay Dalkaasi.

Sida la xaqiijiyay Qaraxyada ayaa ka dhacay goob Tareenada laga raaco oo ku Taalla bartamaha Ankara, waxaana la arkayey Meydad daadsan waddooyinka.

Dadka ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmey ayaa iyaga ku jiray mudahaaraad nabadeed oo ay soo qabanqaabiyeey ururada ganacsiga iyo bulshada dalkaasi Turkiga kaasoo ay ku dalbanaayeen in la joojiyey dirirta dowlada Turkiga iyo Ururka PKK ka dhex aloosan. Waxaa halka uu qaraxa ka dhacey hal mar isqabsadey qiiq iyo qeylo dadkii goobta ku sugnaa ka soo yeeraysey

Ilaa iyo hadda ma jirta cid sheegatay weerarka lala beegsadey goobta mudaaraadku ka socdey.

Ugu dambeyn Dowlladda ayaa baareysa in weerarka uu yahay mid ismiidaamin iyo in kale, Hogamiyaha Kursiyiinta ayaa Mas’uuliyadda waxaa dusha uga tuuray dowladda Turkiga