Baydhabo(INO)-Afahayeenka Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya C/qaadir Cashar Nadaara ayaa sheegay in dhawaan lasoo dhameystiri doono dhismaha Baarlamaanka Dowladda KGS.
Nadaara waxa uu sheegay in haatan ay diyar yihiin foomamkii lagu buuxin lahaa magacyada xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka oo in ka badan seddax bilood loo fadhiyo howlihiisa.
Afhayeenka oo ka hadlayey xayiraada iyo dib u dhaca waqtigii la sugayey ayaa ku micneeyey in lala sugayey Madaxweyne Shariif Xasan oo safar dibada ah ku maqnaa isagoona dhan kale sheegay in haatan Shariif uu ku suganyahay Magaalada Baydhaba.
Sidoo kale Nadaara ayaa mar wax laga weydiiyey qaar ka mid Degmooyin ku yaala Bakool ay ka goosteen Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya maadaama ay ka cabanayaan qaabka loo maray dhismaha Baarlamaanka ayna wax badan tabanayaan, wuxuu arintaasi ku tilmaamay mid jirta oo lasoo dhaweenayo cabashooyinka noocaasi ah.
Halkan Ka Dhageyso Codka
Idalenewsonline, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com