Daawo:Al-shabaab oo shaacisay Sawiradda Weerarkii ay ku Qaadeen Saldhigga Yaaq-bari-weyne

0
216

Muqdisho(INO) — Al-shabaab kusoo bandhigtay shabakadaha taageera Sawirrada weerarkii ay ku qaadeen 18-kii bishii hore ee September saldhig ay ciidamada dowladda Somalia ku leeyihiin deegaanka Yaaq-bari-weyne ee gobolka Shabeellada hoose.

Warbixin ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegtay in dagaalkaas ay ku dileen 15 ka mid ah askartii dowladda ee saldhiggaas ku sugnaa, ayna gubeen qaar ka mid ah gaadiidkii ciidamada Somalia ee saldhiggaas yaallay.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in afar ka mid ah gaadiidka ciidamada ee dowladda ay ku furteen dagaalkaas, kuwaasoo ay kusoo bandhigeen sawirradan ay baahiyeen.

Muuqaaladan oo ay Al-shabaab soo bandhigtay maalin ka hor ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo ay sheegeen inay iyagoo nool gacanta ku dhigeen; inkastoo xeradii ay dib ugu laabteen ciidamadii dowladda Somalia ee horay ugu sugnaa.

Ugu dambeyn, dowladda Somalia oo hadal kooban kasoo saartay weerarkaas oo dhacay maalin jimco ah ayaa lagu sheegay in 10-askari oo ciidamada dowladda ka tirsan lagu dilay, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal kuwo kalena lagu qabsaday.

 

i

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here