Muqdisho(INO) — Waaxda difaaca dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay hubeynaan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala [AMISOM] si ay ula dagaallamaan xoogagga Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
Hadalkan kasoo baxay Pentagon-ka Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay ciidamada AMISOM siinayaan hub ay kusii wadaan howlgalka ay Somalia u joogaan ee ka dhanka ah Al-shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku tahay ammaanka gobolka geeska Afrika.
Sarkaal u hadlay xukuumadda Washington ayaa intaas ku daray in qorshahan uu qayb ka yahay dadaalka dowladda Maraykanku ay ku taageerayso nabadda Somalia, ayna ugu talo-galeen in ciidamada AMISOM ay helaan hub ku awoodaan inay Al-shabaab uga saaraan dhulka ay hadda ka taliyaan.
Xukuumadda Mareykanka ayaan sheegin noocyada hubka an ee ay siin doonto ciidamada AMISOM, iyadoo horay ay ciidamada AMISOM u dalbadeen in diyaarado dagaal oo ay u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Dhanka kale, sarkaalka u hadlay Mareykanka ayaa xusay inay sidoo kale hub ka iibinayaan dawladaha Afrika ee ciidamadu ay ka joogaan Somalia si ay isaga difaacaan xoogagga Al-shabaab ee weerarrada ka geysanaya waddamadooda.
Ugu dambeyn, dowladda Maraykanku ayaa waxay ka mid tahay waddamada sida weyn u taageeraa howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee, Al-shabaab ayaa waxay ka talisaa deegaanno dhowr ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Somalia, kuwaasoo uu ka mid yahay gobolka Jubbada dhexe oo gabi ahaantiis ay maamusho Al-shabaab.
Idale News Online, Muqdisho