Moscow(INO)— Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa laga cabsi qabaa inuu xumaado, kadib markii Turkiga uu ku eedeeyay Ruushka inuu markii labaad uu ku soo xadgudbay hawadiisa
Turkiga ayaa sabtidii ka hortagay diyaaradaha dagaalka Ruushka oo soo galay hawadiisa, xilli uu dhaq dhaqaaq cirka ah ka waday hawada Suuriya.
Labada dal ee Ruushka iyo Turkiga ayaa hada la sheegayaa inuu xiriirkooda mugdi sii galayo, kadib markii Ruushku bilaabay todobaadkii hore duqeymo uu ka fulinayo gudaha Suuriya.
Safiirka Ruushka u fadhiya Ankara ayaa waxaa mar labaad loogaga yeeray Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga, si wax looga weydiiyo markii labaad oo diyaaradaha dagaalka Ruushka ku soo xadgudbeen hawada Turkiga, waxaana tani laga yaabaa inay horseedo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal inuu xumaado.
Ruushka ayaa sheegay in Ilbiriqsi ay ku jireen hawada Turkiga, kadib cimilada oo xumeyd, hase ahaatee kama aanu hadlin dhacdada labaad ee Axadii.
Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay xadgudubka Ruushka ku sameeyay hawada Turkiga, waxaana uu xusay in Turkiga ay xaq u laheyd inay soo rido diyaarada.
Gaashaanbuurta NATO ayaa ugu baaqday Ruushka inuu joojiyo duqeymaha uu ku haayo Mucaaradka Suuriya iyo dadka rayidka, iyadoo Ruushku sheegayo inuu beegsanayo Daacish iyo kooxaha kale ee Islaamiyiinta.
Idale News Online, Moscow