Dowlada Federalka oo ka hadashay xarriga loo geystay saxafiyiin ka tirsan Taleefishinka Universal

0
198

Muqdsho(INO)—Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo shir jaraa’id ku  qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka hadlay xariga loo geystay suxufiyiin ka tirsan telefishinka Universal.

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta ayaa sheegay in xariga wariyeyaasha ay ka warqabaan, isla markaana sharciga lala tiigsan doono, Waxana uu xusay wasiirku in hore digniin loo siiyay taleefishinka afka Soomaliga ee Universal gaar ahaan xafiiskiisa magaalada Muqdihso.

Shirka jaraa’id ayuu wasiiru dowlaha warfaafinta waxa uu soo hadal qaaday eedeymo ay u soo jeediyeen dowlada xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo dhowaan taleefishinka Universal dood wadaag u qabtay.

Wasiiru dowlaha ayaa beeniyay in dalka laga xukumo Xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane, isla markaana aysan dowladda ku jirin wax gumeysi ah, isagoo intaa ku daray in ciidanka AMISOM ay ku joogaan dalka qorshe cad oo ah sidii ciidanka dowlada ay uga caawin lahaayeen la dagaallanka argagixisada.

Ciidamada nabadsugida ayaa gelinkii dambe ee shalay xabsiga dhigay Agaasimaha Bariga Afrika ee taleefishinka Universal Cabdullahi Xirsi Kulmiye iyo Soo saaraha barnaamijka Dood Wadaag Cawil Daahir Salaad, sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa albabada u laabay xarunta taleefishinka Universal ee magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here