Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Diyaarad kuwa Qumaatiga u kaca ah ku tagay Afgooye

0
199

Afgooye(INO) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maatna Diyaarad kuwa Qumaatiga u kaca ah [Helicopter] ku tagay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose oo 30-km Muqdisho u jirtay.

Wafdi ka kooban labada gole ee Dowladda Somalia iyo Saraakiil ciidan ayaa ku wehlinaya Madaxweyne Xasan socdaalka uu maanta ku tagay degmada Afgooye, halkaasoo la sheegay inay kula kulmi doonaan qaybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada eek u sugan degmadaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la socda Madaxweynaha Koonfur-galbeed ee Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan, safarkan lagu sheegay inuu salka ku hayo isbedellada ka socda Shabeellada Hoose, taas oo ay ka mid yihiin deegaanno ka tirsan Gobolkaas oo ay Toddobaadkan lagu jiro la Wareegtay Al-shabaab.

Ammaanka Guud ee Degmada Afgooye iyo Waddooyinka soo gala ayaa si aad ah loo Adkeeyay, iyadoo Gaadiidka loo diidayo in ay galaan Degmada Afgooye ama ay ka baxaan.

Dhanka kale, Su’aasha la is-weydiinayo ayaa ah sababta keentay in Madaxweyne Xasan uu diyaarad kuwa Qummaatiga u kaca ah ku tago Afgooye oo 30-km u jira Muqdisho. Iyadoo Madaxweynayaashii ka horreeyay ay Afgooye u mari jireen dhulka.

Haddaba, Wixii kasoo kordha booqashada Madaxweynaha Somalia uu ku tagay Afgooye Waxaad kula socon doontaan Wararka soo socda ee Idale News Online Haddii ALLE ogolaado.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here