Al-shabaab oo la Wareegtay Deegaanno ay ka baxeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM

0
192

Afgooye(INO) — Al-shabaab ayaa la wareegtay dhawr deegaan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo shalay gellinkii dambe ay isaga baxeen ciidamadii AMISOM iyo kuwii Dowladda Somalia ee horay ugu sugnaa.

Deegaanada ay Al-shabaab la wareegtay ayaa waxay kala yihiin; Golweyn iyo Cambareey oo labaduba ka Tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Dadka ku nool Degmadaas ay sheegeen in markii ay ciidamadu baxeen ay soo gashay Al-shabaab.

Intii aysan ciidamada Midowga Afirka iyo kuwa Somalia ka bixin Deegaannadan ayaa la sheegay inay deegaannadan ka dhaceen iska-horimaad sababay inay ku dhaawacmaan lix qof oo shacab ah.

Sidoo kale, deegaanka Golweyn ayaa u dhexeeya Buulo-mareer iyo Shalaanbood, halka deegaanka Cambareey uu u dhexeeyo Degmada Baraawe iyo Deegaanka Buulo-mareer.

Ciidamadii AMISOM iyo kuwii dowladda Somalia ee isaga baxay deegaannadaan ayaan la ogeyn halka ay aadeen, iyadoo aysan weli ka bixitaanka ay Ciidamadan ka baxeen deegaannadan aysan weli hadlin Dowladda Somalia iyo AMISOM.

Ugu dambeyn, shacabka deegaannadan ku nool ayaa la sheegay inay xilligan lasoo daristay cabsi aad u xooggan, iyagoo ka baqdin qaba dagaallo deegaannada ay ku nool yihiin ka dhaca.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here