Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta u ambabaxay Imaaraadka Carabta

0
217

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka isu taga Imaaraadka Carabta, kadib markii uu martiqaad uu ka helay Amiirka dalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan labada Gole iyo saraakiil ciidan.

Afhayeenka Madaxtooyada Daa’uud Aweys ayaa warbaahinta ugu warbixiyay booqashada Madaxweynaha, isagoo xusay in safarka Madaxweynaha ay ku wehliyaan xubno ka tirsan labada gole, isla markaana Imaaraadka Carabta kala hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga.

“Madaxweynuhu wuxuu ku wajahan yahay Imaaraadka Carabta, martiqaad rasmi ah ayuu ka helay Hogaamiyaha Isu taga Imaaraadka Carabta Sheekh maxamed Bin Zayed Al-Nahyan, sida la socotaan xiriir wanaagsan iyo iskaashi ayaa ka dhaxeeya labada dal”ayuu yiri Daa’uud Aweys oo wariyeyaasha kula hadlayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta kala duwan ee Imaaraadka Carabta, iyagoo ka wada hadli doona taageerida iyo xiriirka labada sidii loo xoojin lahaa.

Imaaraadka Carabta ayaa dhowaanahan kordhiyay taageerada Soomaaliya, waxaana uu ka mid noqday wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya oo dowladda Soomaaliya ugu deeqay agabyo milateri, gaadiid, qalab caafimaad iyo kuwo kale.

Booqashada Madaxweynaha ugu ambabaxay dalka isu taga Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu dalka uga ambabaxo, tan iyo markii horaantii bishan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ka keeneen mooshin ka dhan ah oo xil ka qaadis ah.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here