Barbaare(INO)-Wararka Saaka Ka imaanaya Galbeedka Gobolka Bay Ayaa Sheegaya In Saakay Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Kuwa Nabbad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya Ee AMSIOM ay La wareegeen Gacan Ku Haaynta Degaanka Xabaal-Barbaare Ee Gobolka Bay.
Ciidamo tiro badan oo horkacayo Gudoomiyaha Cusub Ee Degmada Qansaxdheere Ee Gpbolka Bay Mr. Butug ayaa lagu Soo waramaya in Gudaha ay U galeen Degaankaasi kuwaasoo Saaka Hawlgal adag ka wada GudahaDegaankaasi.
Ciidamada Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegey inay isaga Baxeen Saqdihii dhexe Ee Xaley, ma jiro wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacey isla markaana dadka Degaanka ayaa la Sheegey inuu soo food saaratey Cabsi Xoogan.
Ugu dambeyntii, Kooxda Al-shabaab ayaa qabsatey Degaankaasi 2007.
Idale News Online, Baydhabo