Madaxweynaha Jubba oo sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howl gal lagu xoreynayo Jubbada Dhexe

0
200

Kismaayo(INO)— Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamadii ka qeyb qaadan lahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Jubbada dhexe oo ah gobolka kaliya ee Al-Shabaab si buuxda gacanta ugu hayaan.

Axmed Madoobe oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in howl galkaas uu dhowaan bilaaban doono, isagoo xusay in ciidamada maamulkiisa ay diyaar yihiin, isla markaana ay ka sugayaan xiriirinta howl galkaas AMISOM iyo dowladda Federaalka.

“Waxaa hada qorsheysan in la bilaabo wajiga labaad ee howl galka oo la qabto Jubadda Dhexe, aniga Jubbaland ahaan ciidamadeena waa diyaar, waxaa ka rajeyneynaa xiriirinta AMISOM iyo dowladda Federaalka in arrintaas si deg deg ah la isku aadiyo, waqti dhow waa bilaaban doonaan barnaamijkaas jadwalka ku jiro”ayuu yiri Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa xusay in howl galka ay ka wadaan Jubooyinka uu ka dhib badan yahay kuwa kale, maadaama gobolka uu yahay dhul keyn ah iyo meelo lagu dhuumaaleysan karo, isla markaana culeyska Shabaab uu badnaa markii dagaalka ay ka soo bilaabayeen xuduuda.

“Xuduuda ayaa ka soo bilaabnay iyadoo wax walba ay eber yihiin Shabaabka meelaha dagaalka badan kaga jiraan waaye, waxaana sabab u ah waa dhul dhuumasho leh, oo duur ah, culeyska Shabaab wuu badnaa, dagaalka aan galkan waa uu ka dhib badnaa kuwa kale”ayuu yiri mar kale Madaxweynaha Maamulka Jubba.

Axmed Madoobe ayaa mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubba, kadib doorasho shaki badan la geliyay oo todobaadkii hore ka dhacday magaalada Kismaayo.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here