Ciidamada Booliiska dalka Angola oo Xir-xiray Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dalkooda ku Sugnaa

0
333

Muqdisho(INO) — Ku dhawaad 100 Ruux oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo Warramayaa inay Xabsiga u Taxaabeen Booliiska Dalka Angola, kaddib Howlgallo lagu baadi-goobayo dadka magan-galyo doonka ah oo illaa Toddobaadkii lasoo lasoo dhaafay ay ciidamadu ka sameeyeen magaalooyinka waa-weyn ee dalkaas.

Afhayeen u hadlay Bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, Maxamed Deeq Dhiblaawe oo la Hadlay Idaacad Maxalli ah ayaa Sheegay in Muwaadiniinta Angola lagu Xir-xiray ay ahaayeen ganacsato Waddankaas ku noolaa, kuwaasoo ay ku eedeeyeen Booliisku inaysan sharci-haysan.

“Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay Booliiska Angola Xabsiga u Taxaabeen Waxaa lasoo qab-qbatay iyagoo shaqooyinkooda ganacsiga ah haysta, Qaarkood jir-dil ayaa loo geystay, kuwo kalena weli wax raashin ah lama siin tan iyo markii la xiray,” ayuu yiri Dhiblaawe.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in ganacsato Ajaanib ah ay booliiska heshiis kula galeen in ganacsatada Soomaalida ah la xiro maadaama ay dalkaas ka sameeyeen horumar dhanka ganacsiga ah.

Kumannaan Somali ah ayaa markii dalku uu dagaallada sokeeye ka billowday ayaa waxay u qaxeen dalal badan oo Afrika ah; kuwaasoo ay ku jirto Angola, halkaasoo ay ka furteen dukaamo ganacsi oo waaweyn.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Angola ayaa Waxay meel sare ka Gaareen ganacsiga, iyagoo Qaarkood dhaqaale fara badan ay ka sameeyay dalkaas, taasoo sababtay inay cadow badan yeeshaan.

Ugu dambeyn, Somali fara badan ayaa ganacsiyo waaweyn ka sameystay qaar ka mid ah dalalka Afrika tan iyo markii ay dalkooda uga carareen cooladaha labaatameeyada sano ka socday dalka. Iyagoo dalalka qaarkood kala kulmay caqabado ay ka mid yihiin dilal, dhac joogto ah iyo xarig.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here