Daawo: Liyuu Police oo wada qorshe lagu qabsanaayo gobolka Bakool iyo Xildhibaano DFS oo dagaalkaas iclaamiyey

0
365

Xildhibaanada beelaha Daarood ee Dowlada Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaayo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya iyo Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday qorshe hoose oo  ay ku doonaayaan  in dadka deegaanada gobolka Bakool looga fara maroojiyo awooda gobolkaas, si ay ugu fududaato dadka aan u dhalan gobolka Bakool kgorgortanka siyaasadeed ee gobolka iyo sidoo maamulka kgs ee 3da gobol ay uga heli lahaayeen awood iyo sadbuursi aysan xaq u laheyn si la mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.ka taagan.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, xildhibaanada beelaha Kablalax iyo madaxweynaha ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Ileey ayaa si hoose uga wada tashadey duulaanka ama gulufka colaadeed oo gobolka Bakool ku wajahan iyo in loo diro ciidamo uu DDSI leeyahay ee lagu magacaabo Liyuu Polis, kuwaasoo taageero siinaayo maleeshiyo beeleed dano siyaasadeed laga leeyahay oo deegaanka Ceelbarde ka soo jeeda. Liyuu Polis ayaa ku sugan deegaan lagu magacaabo Baareey iyo qeybo ka tirsan gobolka Bakool

Guluftkaan dagaal ee ku wajahan gobolka Bakool ayaa waxaa dhowaan xildibaano ka tirsan DFS ay  hanjabaad ugu direen maamulka KGS  iyo madaxweynaha maamulka KGS Shariif Xasan kuwaasoo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho, Xildhibaanadaasi ayaa waxa ay sheegteen in ay degaan deegaano ka tirsan gobolka Bakool isla markaana ay ka rabaan Madaxweynaha dowlad Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan in uu siiyo qaybta ay ku leeyihiin. haddii kale uu wajahaayo dagaal. Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia oo ka kooban 3da gobol ee  Shabeelaha Hoose, Bay iyo Gobolka Bakool ayaa waxaa soo food saarey culus aad u balaaran oo xagga sheegashada deegaanada Koonfur Galbeed. iyadoo gobolka Shabeelaha Hoose qaar ka tirsan beelaha Hawiye gaar ahaa Murursade, Mudulood, Habargid iyo Gugundhaba  mid kastaa saami gooni doonaayo in ay ka helaan gobolka. Halka sidoo kalena gobolka Bakool beelaha Absame, Meheri iyo Majeerteen ay sheegeen ay 4 degmo oo ka mid ah 5ta degmo oo gobolku ka kooban yahay iyagu leeyihiin.

 

Arrintaan ayaa Shariif Xasan ku ah guuldaro siyaasadeed maamulkiisa dul keeney dadkii deegaan Digil iyo Mirifle, arrintaan oo dadka deegaan ay horey uga digeen hase ahaatee Madaxweynaha Maaulka KGS Shariif Xasan uu isagu is hor istaagey inuu hergalo maamulkii lixda gobol ee dadka deegaanda lixda gobol ay kaga hortagaayeen sadbuursiga iyo cadaalada darada lagu haayo dadkooda iyo deegaanadoodaba.

 

Idale News Online.