Dr. Ismaaciil Jimcaale oo loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda

0
230

Muqdisho(INO)— Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda Dr. Ismaaciil Jimcaale Calasow

Warqadan oo ay heshay Idale News Online ayaa ku taariikheysneyd 20-ka bishan, waxaana magacaabistan ka dambeysay markii uu soo jeediyay Wasiirka Cadaalladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muddooyinkan magacaabayay Xoghayeyaasha joogtada ee Wasaaradaha Xukuumadda, kadib soo jeedinta Wasiirada, waxaana soconaya is bedel guud oo lagu sameynayo Agaasimayaasha iyo Xoghayeyaasha joogtada ee wasaaradaha, kuwaasoo muddo xilalka haya.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda Dr. Ismaaciil Jimcaale Calasow ayaa horay u ahaa xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kaasoo jagadaas loo magacaabay Yaxye Cali Ibraahim.

Dr.ismailIdale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here