Tirada ku dhimatay weerarkii Kismaayo oo korortay iyo dhaawacyo Muqdisho loo qaaday

0
198

Kismaayo(INO)— Tirada ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta jaamacadda Kismaayo ayaa korortay, iyadoo dhaawacyada dadkii liitay ee weerarkaas ka dhashay loo qaaday magaalada Muqdisho.

Illaa 25 ruux ayaa ku dhimatay weerarkaas, halka sodomeeyo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, waxaana la sheegay in ciidamada ay toogteen ruux looga shakiyay inuu ku lug lahaa weerarkaas.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Luga-dheere ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Jubblanad ay gacanta ku hayeen ammaanka goobtaas, waxaana uu xusay in weerarkaas si aanay fileyn ku dhacay, isagoo intaa ku daray inay ka feejignaan doonaan iyo taxadarna ka muujin doonaan weerarada ceynkan oo kale ah.

Suldaan Luga-Dheere ayaa sheegay falalkan oo kale aanay Kismaayo ka dhicin, isla markaana ay aheyd meelaha aadka ugu yareyd qaraxyada, taasoo keentay feejignaanta ciidamada, waxaana uu tilmaamay inay adkeyn doonaan ammaanka.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in dhaawacyada dadkii liitay loo qaaday magaalada Muqdisho, halka qaar kalena oo dhaawacyo fudud gaaray lagu daweynayo Isbitaalka magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dileen in ka badan 100 askari oo ay ku jireen afar ka tirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM oo tababarayaal ahaa.

Weerarkan ismiidaaminta ayaa dhacay xilli ciidamada isku dhafka ah ee ka tirsan xooga dalka ay safaf ku jireen, una diyaar garoobayeen tababarkooda maalinlaha ah.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here