Muqdisho(INO)— Hay’adda Wadahadalka Bulshada CCD ayaa maanta deeq kala duwan gaarsiisay xarunta caruurta derbi jiifka ah ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku jiraan dhallinyaro tiradoodu ka badan tahay 150-ruux.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Muumino Sheekh Cumar ayaa xarunta ku soo dhoweysay Guddoomiyaha Hay’adda CCD Mudane Ciise Axmed Cumar oo deeqdaasi gaarsiiyay xaruntaasi.
Guddoomiye Ciise Axmed ayaa ciyaalka u qeybiyay deeq ka kooban dhar, joodariyaal iyo maryaha dhaxanta laga galo, kuwaasoo tiradoodu gaareyso illaa labo boqol oo xabo oo loogu tala galay dhalinyaro da’doodu u dhaxeyso 20-ilaa 8-jir.
“Waa tallaabo ku dayasho mudan xarunta ciyaalka lagu dhaqan celinayo caruurta derbi jiifka ah oo ay hirgelisay marwada Madaxweynaha Mama Sahra Cumar Xasan” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda Ciise Axmed Cumar oo ugu baaqay dhammaanba ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan taageerada caruurteena danyarta ah.
Guddoomiyaha CCD ayaa sheegay in jiilka soo koraya haddii aan la dhaqan celin mustaqbalkooda lumayo isla markaana ay dhici karto in loo adeegsado inay naftooda haligaan, isagoona hoosta ka xariiqay in tallaabadani ay ku dhaqaaqday marwada Madaxweynaha ay tahay mid mudan in lagu daydo.
Xaruntan lagu daryeelo caruurta darbiyada jiifka ayaa dhowaan Marwada Madaxweynaha Sahra Cumar Xasan ay ka hirgelisay degmada C/casiis, waxaana ku jira illaa 150 caruur kuwaasoo hoy iyo waxbarasho u ah xarunta.
Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Muumino Sheekh Cumar ayaa Madaxa Hay’adda CCD ku ammaantay sida ay mar walba uga qeyb qaataan wacyi gelinta bulshada, horumarinta haweenka iyo gurmadka dadka danta yar, waxaana tilmaamtay in caruurtan lagu daryeelo xarunta, isla markaana ay helaan waxbarasho barida mihnado ay ku shaqeystaan mustaqbalka.