Maxaa ka soo kordhay murankii ka taagnaa Guddiga Farsamada maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0
232

Muqdisho (INO)— Iyadoo muddo todobaad ah ay ka soo wareegatay markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis ku saabsan dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa soo baxaya caqabado durbaba ka hor imaanaya qaabka loo wajahayo maamul u sameynta.

Jadwalkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha soo saartay ee ku xusnaa shaxda Maamul u sameynta labadan ayaa u muuqda mid dib u dhac ku imaanaya, iyadoo mudadii loo balamay in shirka maamul u sameynta uu ku furmo oo ah bisha September ay haatan ka harsan tahay 12-cisho.

Waxaa uu is mari-waa uu ka taagan yahay hab qeybsigii Guddiga farsamada Maamul u sameynta, iyadoo aan wali lagu heshiin sida loo qeybsanayo xubnaha Guddiga farsamada ee ka koobnaan doono 31 xubnood, waxaana qorshuhu ahaa in 15-kii bishan oo ku beegneyd Sabtidii la soo dhaafay in la magacaabo guddigan, hase ahaatee is qab qabsi ka dhashay darteed uu dib u dhac ku yimid.

Is mari-waaga ugu xoogan ayaa ka taagan qaabka loo qeybsinayo iyo sida beelaha labada gobol ugu kala helayaan xubnaha Guddiga, waxaana dhowr jeer lagu kala kacay shirar wada tashi u socday saxiixayaasha maamulka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo illaa iyo haatan aanay wax socon, howlahana ay hakad galeen.

Cabashada ugu badan ayaa waxay ka imaaneysa beelaha wada dega labada gobol, oo mid walba ay xusul duub ugu jirta sidii xubno ay ku qancaan oo si siman loo qeybsado ka heli laheyd, iyadoo aan laga sad-badsaneyn.

Aragtida koowaad ee horay la isla qabay ayaa aheyd in 31-xubin ee Gudiga ay labada gobol u kala qeybsadaan min 16 iyo 15, sida Gobolka Hiiraan oo helaya 16, halka Shabeellaha Dhexe uu helayo 15, sidaasna beelaha loogu kala qeybiyo si awood qeybsi ah.

Inkastoo markii hore aragtidaas la isla qabay ayaa waxay xaalka uga sii daray, markii beel ka mid ah ay dalbatay in labada gobol ay xubno ka hesho tiradaas la jaan-gooyay, taasoo ay ka soo horjeesteen dhinacii kale, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe oo markii hore aan ku qanacsaneyn tirada 15-xubin.

Doodaha taagan waxaa ka mid ah, halka lagu marti gelinayo shirka oo labada magaalo ee caasimada u ah Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay mid walba diyaar garow iskeed ugu jirto, sidoo kale waxaa isna taagan dood kale oo ah sida loogu heshiin doono Gobolka Madaxweynaha qaadan doono iyo halka Caasimada maamulka ay noqoneyso, xubnaha baarlamaanka uu ka koobnaan doono, qaabka loo soo xulayo, sida beelaha u qeybsanayaan, waxayna dhamaan arrimahan yihiin kuwo ay hubanti tahay in caqabado lagala kulmo.

Waxaa hada soo baxaya in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay qorsheyneyso inay kordhiso tirada Guddiga Farsamada, waxaana arrintan looga gol leeyahay in meesha looga saaro cabashooyinka beelaha ka imaanaya iyo caqabadaha durbaba uu wajahayo bilowgii hore ee maamul u sameynta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa laga yaabaa inay qaadato door ku aadan sidii ay iyada u qeybin laheyd xubnaha guddiga, maadaama beelaha aanay wali ku heshiin qeybsiga xubnaha guddiga.

Laakiin arrinta kale ee dib u dhaca sii keeneysa ayaa waxaa ka mid ah xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya oo iyana ay sababtay in laga mashquulo howlihii maamul u sameynta ee socday.

Dad badan oo odorasa siyaasada Soomaaliya ayaa aamisan in maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu ka adkaan doono, midkii Maamulka Galmudug oo isna is qab qabsi badan kadib lagu guuleystay in la dhiso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here