Wasaaradda Amniga oo uga digtay shacabka inay guryahooda ka kireeyaan dad aanay soo wargelin

0
275

Muqdisho(INO)— Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa uga digtay shacabka Muqdisho inay guryahooda ka kireeyaan dad aanay soo wargelin, kadib markii dhowaan dowladda la wareegtay guryo laga helay hub iyo walxaha qarxa.

maxamed

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in loo baahan yahay in saldhigyada booliska lagu wargeliyo qofkii laga kireynayo guri,

Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay sahleyso in la ogaado kuwa ammaanka carqaladeynaya, isla markaana lala socdo dadka degaya xaafadaha.

“Milkiilaha guriga iska leh marka uu doonayo inuu qof ka kireeyo gurigiisa waa inuu tagaa xarunta degmada oo uu ku wargeliyaa Mas’uuliyiinta degmada iyo saldhiga cida uu gurigiisa ka kireynayo, warbixintiisana siiyaa cida uu yahay” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay inay dowladdu la wareegi doonto guryaha qaraxyada laga soo abaabulo ama laga helo.

“Nidaamkaas adigoo maray haddii gurigaaga uu wax ku sameeyo qofkii kireystay, laguumaa haysto, laakin haddii aad qariso oo aadna soo ogeysiin degmada, hadana qarax laga fuliyo ama laga helo, waa lala wareegayaa gurigaaga” ayuu sii raaciyay.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa horay digniino dhowr ah ka soo saaray in guryaha laga kireeyo dad aan la aqoon, iyadoo habeen hore aheyd markii Ciidamada Booliska u dhaceen guri lagu diyaarinayay walxaha qarxa oo ku yaalla degmada Yaaqshiid.

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here