Marka(INO) — Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shaaciyay in dib loo eegayo dhibaatooyinka ay Ciidamada AMISOM ka geysteen Somalia wixii ka dambeeyay Sannadka 2011-kii oo ay socdeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah guddoomiyaha Guddiga Difaaca BFS ayaa u sheegay Warbaahinta inay la kulmeen Mas’uuliyiinta sare ee Ciidamada AMISOM, ayna kawada hadleen wax walba oo dhacay.
Sidoo kale, Xuseen Carab ayaa sheegay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ay ciidanka AMISOM ka geysteen degmada Marka ay si gaar ah diiradda u saareen, isla markaana la magacaabay guddi baartaan dhab ah ku sameeyay dhacdadaas.
“Ciidanka AMISOM diyaar ayay u yihiin wax walba oo ku cadaada inay Magdhaw ay bixiso,” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Carab oo intaas ku daray in Magaalada Marko uusan ka jirin maamul dowladeed, ayna tahay in maamulka la hagaajiiyo.
“Tacadiyadii ay AMISOM ka geysatay dalka wixii ka dambeeyay wixii sannadkii 2011-kii ka dambeeyay dib ayaa loo eegayaa. Wixii ku cadaadana Mag-dhow ayay ka bixin doonaan, mar walbana waxaa jiri doona isla xisaabtan” ayuu ku datay xildhibaan Ciise.
Hadalka Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor ay Muqdisho kulan Su’aalo lagu weydiinayay Madaxda Sare ee AMISOM, kuwaasoo la xiriiray tacadiyo ciidamadooda lagu eedeeyay.
Ugu dambeyn, Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin inay mag-dhow ka bixin doonaan tacadiyadii ay kula kacday shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dhawaan ay gaadiidka AMISOM wiil dhallinyaro ah ku jiireen Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Marka