DEG DEG:Axmed Madoobe oo ku Guuleysatay Doorashadii Madaxnimo ee Maamulka Jubba

0
256

Kismaayo(INO) — Madaxweynihii hore ee Maamulka Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxnimo ee Maamulka Jubba oo maanta ka dhacday xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Doorashada oo ahayd mid qarsoodi ah ayaa waxaa codeeyay 74-xildhibaan, iyadoo Axmed Madoobe uu helay 68-cod oo ka mid ah codadkii ay dhiibteen xildhibaannada Baarlamanka Maamulka Jubba.

Wariyaha Jubbooyinka ee Idale News ayaa soo sheegay Murashaxiinta xilkan kuu tartamayay oo ahaa afar Murashax ayaa waxay codadka u kala heleen sidan;

1. Sheekh Axmed Madoobe oo helay 68-cod
2. Hiloowle Aadan Maxamuud oo helay 2-cod
3. Cismaan Xuseen Fayruus oo helay 2-cod
4. Maxamed Cismaan Yuusuf oo aan wax cod ah helin.

Guddiga doorashooyinka Maamulka Jubba, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in wareeggii koowaad ee doorashada uu ku guuleystay Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo murashaxiintii la tartamayay ay iyaguna xusay in Natiijada doorashada ay ku faraxsan yihiin, ayna taageersan yihiin madaxweynaha la doortay.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xubno ka socday Beesha Caalamka iyo IGAD, iyadoo sidoo kalena ay goobjoog ka ahaayeen xildhibaanno ka socda Baarlamaanka FS. iyadoo isla goobta lagu dhaariyay Madaxweynaha la doortay ee Jubbalan, Sheekh Axmed Madoobe.

Warbixin ku saabsan Doorashada iyo sida ay u dhacday Waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee Idale News Online  haddii ALLE ogolaado.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here