Diini “Waxaa Dhowaan Hirgelin Doonaa Warshad Sameysa Dharka Tuutaha Ciidamada”

0
228

Muqdisho(INO)— Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u hirgelin doonaan Warshad sameysa dharka Tuutaha Ciidamada, si looga haqabtiro baahida ciidanka ka heysata dhanka dareyska ciidamada.

Jen. C/qaadir Diini ayaa sheegay in Warshadan ay soo saari doonto dharka ay xiran doonaan Ciidamada xoogga dalka ee Tuutaha loo yaqaano, si looga maarmo dareysyada kala duwan ee dibada laga keeno;

“Waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan u hirgelin doonaa Warshad sameysa dharka tuutaha Ciidamada, taasoo ka haqabtiri doonta Ciidanka xooga dalka dharka uu u baahan yahay, waxaa sidoo kale ay haqab tiri doontaa dareyska ay u baahan yihiin ciidamada nabadsugida, booliska iyo Asluubta”ayuu yiri Jen. Diini.

Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in muddo dheer ay u baahnaayeen dharka meel ay ka helaan, wixii hadda ka dambeeyana ay rajeynayaan in dareyska uu noqdo mid ciidamada u gaar ah oo dalka gudihiisa lagu sameyn doono sida uu yiri.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dib u dhiska ciidamada, isagoo tilmaamay in dowladdo ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ay kala shaqeynayaan dib u yagleelida Ciidamada.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in la xalin doono cabashooyinka dhinaca mushaarka ee ciidamada, isagoo xusay in dhowana si joogto ah ciidamada u heli doonaan mushaaraadkooda, isla markaana laga baxo arrimaha hada jira, waxaana uu ugu baaqay Ciidamada inay u dulqaataan dhibaatooyinka yar yar.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here