Dhusamareb(INO)— Ururka Ahlu Sunna ayaa sii daysay shan saxafi oo ay xabsiga u taxaabtay kadib markii ay ku eedeysay inay baahiyeen warar been abuur ah.
Saxafiyiintan oo dhammaantood ka howlgalayay magaalada Dhuusomareeb ayaa la sii daayay kadib markii mid ka mid ah uu xanuunsaday lana dhigay isbitaal. Sii deysmada Suxufiyiintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Odayaasha deegaanka ay sameeyeen waan-waan ku aadan sidii loo deyn lahaa Wariyeyaasha.
Weriye Maxamed Deeq Cabdi Maxamed ayaa ku dhex xanuunsaday xabsiga waxana la sheegay in uu miyir beelay haatana lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Dhuusomareeb.
Hase yeeshee saxafiyiintan oo xalay saqdii dhexe la sii daayay ayaa saaka loogaga yeeray maxkamad iyadoo maxkamadu ay dhagaysanayso eedeymaha loo soo jeediyay.
Wararka ka imanaya gobolka Galguduud ayaa intaa ku daraya in saxafiyiinta ka howlgala magaalada Guriceel loogaga yeeray xarunta maamulka loona sheegay amaro ay raacayaan.
Mid ka mid ah saxafiyiinta magaalada Guriceel ayaa u sheegay jowhar.com in ay is afgaran waayeen maamulka ayna saxafiyiinta diideen inay saxiixaan amaro ay tahay inay ku shaqeeyaan.
Maamulka Ahlu Sunna ayaa waxa uu ku amray weriyaasha inaysan baahin karin warar ku saabsan maamulka Ahlu Sunna. Ururka Ahlu Sunna ayaa dhowaan ka soo horjeestay maamul goboleedka laga dhisay gobolada dhexe kaasoo loogu magac daray Galmudug.
Idale News Online, Dhusamarebo