Dhuusamareeb(INO) — Maamulka Culummaa’uddiinka Ahlusunna ayaa Xalay fiidkii xabsiga dhigay saddex Wariye oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howlgala degmada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Suxufiyiinta la xiray ayaa lagu kala ah; Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo u shaqeynayay Idaacadda Dowladda Somalia, Cabdi Jamaal Macalin Axmed oo isna u shaqeeya Radio Bar-kulan iyo Kalsan TV iyo Bashiir Maxamed Salaad oo isna u shaqeeya Telefishinka Horn Cable.
Xariga Suxufiyiintan ayaa ka dambeeyay markii dhawaan Ahlusunna ay Amarro Adag dul-dhigeen Wariyeyaasha ka howlgala Deegaannada ay gacanta ku hayso; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; inaysan ka hadli karin Wararka siyaasadda, isla markaana isi soo diiwaan-geliyaan, Wariye walbana uu keeno Saldhigga Dukumiinti iyo kuwo kale.
Balse, Wariyeyaasha ayaa ka horyimida marrada lagu soo rogay, iyagoo inay yihiin kuwo ka hor-imaanaya xorriyadda hadalka, iyagoo xusay in sababo la xiriira ammaankooda aysan dukumiintiyadooda iyo sawirradooda u geyn karin saldhiga Ahlusunna Waljamaaca.
Ugu dabeyn, mas’uuliyiinta Ahlusuna ayaa dhawaan idaacadaha ka howl-gala Deegaanada ay ka talinayaan ku amray inaysan sii dayn karin Wararka ku saabsan arrimaha dowladda Somalia, waxaana horay uga mamnuuceen inay tabiyaan shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug.
Idale News Online, Dhusamareeb