AMISOM oo iska fogeysay inay dad rayid ah ku leysay magaalada Marka

0
187

Marka(INO)— War saxaafadeed ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa waxay isaga fogeysay inay dad rayid ah ay ku dishay howl gal shalay ka fulisay magaalada Marka, iyadoo waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka ay soo tabiyeen Warbaahinta.

AMISOM ayaa sheegay in shalay abaare 8:45 daqiiqo howl gal ay ka fulisay deegaanka Jujuumo oo ku dhow deegaanka Ceel Hindi oo aheyd meel ay Al-Shabaab dagaalyahanada ku tababaraan ku dishay illaa shan ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in mid ka mid ah dadka ay dileen uu ku jiray sarkaal sare oo lagu magacaabo Maxamed Dahir, sidoo kale waxaa ay xustay inay ku soo qabatay waxyaabaha qarxa iyo labo qori iyo calanka Al-Shabaab oo goobta ka babanaya.

AMISOM ayaa sheegtay inay dhowreyso sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha, taasoo ka reeban inay dad rayid ah waxyeelo u geysato, sidoo kalena ciidamadeeda aanay dad rayid ah ku dilin magaalada Marka, waxaana ay intaa ku dartay inay sii wadayaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga goobaha dadka ku badan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee dadka deegaanka Marka iyo mas’uuliyiinta magaalada ayaa xaqiijiyay in AMISOM ay shalay dad rayid ah oo gaarayay illaa 11 ruux ku dishay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here