Al-Shabaab oo la sheegay inay maxaabiis ka sii deysay Xabsiga Baardheere

0
190

Baardheere(INO)— Iyadoo ciidamada huwanta ay ku sii siqayaan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in Al-Shabaab ay maxaabiis dambiyo kala duwan ku eedeysnaa ka sii daayeen xabsiga Baardheere.

Sida ay sheegayaan wararka maxaabiistan oo aan tiradooda la sheegin ayaa xabsiga laga sii daayay, sababo ku aadan xiisada dagaal ee halkaas ka jirta.

Goob joogayaal ku sugan Baardheere ayaa xaqiijinaya in tiro maxaabiis ah laga sii daayay Xabsiga, kuwaasoo horay Al-Shabaab gacanta ugu soo dhigeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Baardheere ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay iska hor imaadyo iyo qaraxyo miino ay ku qabsadeen wadada.

Al-Shabaab oo u muuqata inay wax ka bedeshay istiratiijiyadeeda dagaal marka duulaan lagu soo qaado oo horay u dhacday inay ka baxdo deegaan ay maamulaan, ayaa hadda wada weeraro xiriir ah oo dhaba gal ah.

Ciidamada huwanta ayaa weeraro badan la kulmay inta ay ku soo wajahan yihiin Baardheere iyo Diinsoor, waxaana saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ay sheegeen in 48-saac ee soo socda ay la wareegi doonaan degmooyinkaas.

Boqolaal qoysas ah ayaa ka barakacay Baardheere iyo Diinsoor, iyadoo badankood ay gaareen magaalada Baydhabo iyo deegaano kale.

Idale News Online, Baardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here