Daawo:Shacabka Degaanka Jaziira Ee G/Sh/Hoose Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyeen Gudoomiyaha Cusub Ee Degaankaasi

0
214

Jazeera(INO)-Shacabka Ku dhaqan Deegaanka Jaziira Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Maanta Xaflad soo Dhaweyn ah u sameeyeen Guddoomiyihii dhowaan Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u magacaawday deegaankaas Mudane C/Casiis Xaaji Cabdinuur.

Xaflaasi waxaa Joogey  Wasiiro Ka Tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maamulada heer Gobol iyo heer Degmo, Saraakiisha Booliiska Gobolka Shabeelaha Hoose, isagoona ka  mahadceliyey Soo dhaweyn loo sameeyey.

Gudoomiyaha ayaa Balan qaadey inuu Ku dadaalayo Sugida Amaanka Degaanka Jaziira, Maamul wanaaga iyo inuu la shaqeyn doono Maamulka Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose oo degaankaasi hoos tago.

Ugu dambeytii, Dowlada Koofur Galbeed Soomaaiya ayaa Dooneysa inay isbedelo weyn ku sameyso Dhamaan Maamuladda Gobolada iyo Degmooyinka, iyadoona Horey ugu guuleysatey Maamul U sameeyeynta Gobolka Bay,Degmooyinka Marka iyo Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here