DEG DEG+Dhageyso: Guddoomiyihii Hore Ee Degmada Afgooye Oo La Dilay

0
216

Afgooye(INO)-Kooxo hubaysan ayaa maanta Barqadii waxa ay Degmada Afgooye ku dileen Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye C/llaahi Cabdi Axmed, xilli uu ku sugnaa Degmada Afgooye gudaheeda.

breakingIdaleNews

Dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye, waxaa ka dambeeyay rag hubaysan oo bistoolado wata waxaana ay ku toogteen meel ku dhaw Dukaan lagu magacaabo Shamsu Diin oo ku yaallo Magaalada Afgooye.

Ragga fuliyay dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye ayaa ka baxsaday meesha ay ku dileen C/laahi Cabdi Axmed, waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somalia.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo soo gaaray goobt dilka uu ka dhacay ayaa gacanta ku soo dhigay rag dhalinyaro ah oo lagu tuhmay inay dilkaasi raad ku lahaayeen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku waramaayo inuu arkaayay meydka Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye oo laga qaadayo halka lagu dilay, waxaana la geeyay Xarunta Degmada Afgooye.,

Beegsiga masuuliyiinta iyo ciidamada Dowladda ayaa ku badan Magaaladan Afgooye oo ka mid ah Magaalooyinka hoostagga Maamulka Saddexda Gobol.

Dhowr mar oo hore ayaa dilal qorsheysan Afgooye loogu geystay masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay Maamulka Degmada Afgooye.

Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Degmada Afgooye

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here