Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay shirka Guddiga Amniga Qaranka oo lagu qabtey xarunta madaxtooyada, kaasoo todobaadkiiba mar la qabto.
Shirkan Guddiga Amniga Qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Wasiirada Amniga, Difaaca, Taliyeyaasha Ciidamada dowladda iyo saraakiisha laamaha Amniga.
Madaxweynaha oo shirka hadal ka jeediyay ayaa kula dardaarmay madaxda laamaha amniga inay dardar-geliyaan hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in amniga uu yahay tiirka koowaad ee dowladda ay ku dhisan tahay, loona baahan yahay in guulaha laga gaarey la xajiyo, lana wajaho qaabkii dalka oo dhan amni buuxa looga dhalin lahaa.
Madaxda laamaha amniga qaranka oo iyaguna shirkaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey waxqabadka iyo qorshe hawleedkooda, iyagoo dhanka kalena ka dalbadey shacabka inay taageeraan barnaamijyada dalka lagu xasilinayo.
Shirka Guddigan Amniga Qaranka ee uu shir guddoomiyay Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay, iyadoo Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay isaga baxeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, waxaana inta lagu guda jira bishan Ramadaan dhacay weeraro ay geysteen Al-Shabaab.