Daawo:Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo La Kulmay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha

0
212

Muqdisho(INO)— Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa maanta la kulmay Guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha,kuwaasoo shalay xildhibaanada Baarlamaanka ay cod qarsoodi ah ay xubnaha guddiyadaas mid mid ugu ansixiyeen

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka, Wasiiru dowlaha Wasaaradda, qaar ka mid ah Agaasimayaasha.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/rashiid Maxamed Xidig oo la hadlayay guddiyada ayaa waxaa uu sheegay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay ku wareegeyso guddiyada isla markaana looga baahan yahay dulqaad iyo in Soomaali-weyn ay u dhaxeeyaan.

“Waxaad tihiin dadkii lagu aaminay howshan muhiimka ah Wasaaradda anagu hadaan nahay howshu waa naga soo wareegeysaa idinka ayay idin soo wareegeysaa labada asbuuc ee aad howl galeysaan ayaa idinla shaqeynaa, waana isu kiin hagaajineynaa, waan idinla shaqeyneynaa”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa la dar daarmay guddiyada uu kulanka la qaatay, isagoo u soo jeediyay in howsha Soomaali weyn ka sugeyso ay ka soo dhalaalaan.

“Markaan idin soo dooraneynay dadnimadiina iyo Soomaalinimadiina ayaan idinku soo dooranay in aad qaraabo nala tihiin la idin kuma soo dooran in aad saaxiibo nala tihiin la idin kuma soo dooran doorashada 2016-ka in aad noo xaglisaan la idin-kuma soo dooran garabkiina ala ha galo xuduudaha aan leenahay iyo federaalka sida anagu aan rabno in aad ka dhigtaan la idiinma keenin”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha, kaasoo ay soo xushay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo federaalka, waxaana ay ka kooban yihiin min 9 xubnood labada guddi.

DSC04082DSC04091DSC04113DSC04115DSC040791Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here