Miami,Florida (INO)—Nin loo haystay fal tuuganimo ah ayaa ku dhex ooyay maxkamada gudaheeda kadib markii uu ogaaday qaadiga qaadaya dacwadiisa inay tahay gabar ay isku fasal ahaayeen xilligii uu dhiganayay dugsiga dhexe.
Dhacdadan oo ka dhacday Miami,Florida dalka Maraykanka ayaa waxaa dacwada qaadaysay xaakim la yiraahdo Mindy Glazer iyadoo dacwaduna ay ahayd nin dhalinyaro oo loo haystay in uu u dhacay guri.
Hase yeeshee xaakimka dacwada qaadayay ayaa tuhmay in ay qofka la soo horistaajiyay ay meel ay isku arkeen, gaar ahaayn sanado kahor markii ay dhigan jirtey dugsiga dhexe. Xaakimka iyo tuugan loo haysto inuu jabsaday ama u dhacay guri ayaa waxa ay isku fasal ka ahaayen iskuulka Nautilus Middle School sida ay qortay Local10.
Xaakimka ayaa weydiisay qofka lagu tuhunsan yahay tuuganimada ee hortaagan in uu hore uga soo noqday arday dugsiga Nautilus Middle School, eedeysanihii ayaa fiiriyay xaakimka waxana uu aqoonsaday wajigeeda isagoo xusuustiisa dib u celiyay, wuu dhoolacadeeyay balse waxa uu garowsaday xaalada uu ku jiro inay tahay mid aan wanaagsanayn qosolkiina waxa uu u bedelay oohin iyo baroor iyo weliba shalaay.
‘Mar walba waxaan ka fikiri jirey waxa kugu dhacay,mudane,’ayay tiri. ‘Waan ka xumahay in aan kugu arko sidan oo kale.’ Arthur Booth oo ahaa eedeysanihii ayaa madaxiisa gacmaha saartay wuuna sii ooyay iyadoo weliba xaakimka sii hadlaya oo leh. ‘Ninkan waxa uu ahaa ardayga ugu wanaagsan dugsiga dhexe. Waxaan isla ciyaari jirnay kubbada. Fiiri waxa dhacay.’
Melissa Miller oo ah gabar ay walaalo yihiin Booth ayaa sheegtay in uu ahaa arday wanaagsan xilliyadii uu wax baranayay balse isticmaalka daroogada ay naftiisii bedeshay ugu dambayntiina uu u bareeray dambiyada.
Miller waxa ay ku tilmaantay la kulmida qareenka in ay tahay mid Booth uu ku waano qaadan karo ayna sababi karto in uu wadada toosan ku soo laabto.
Gabadhan ayaa sheegtay in walaalkeed markii uu arkay xaalada uu ku jiro in laga yaabo in naftiisa uu kula faqo ‘Wow, waxaan haystay fursado iyo waqti aan ku noqon karay qaadiga dacwadan qaadaya.”
Hase yeeshee xaakimka dacwadan qaaday ayaa u rajeysay nasiib waxayna u sheegtay in ay rajaynayso in uu wax ka bedelo qaab dhaqameedkiisa, waxayna ku xukuntay in xabsiga lagu sii hayo inta baaritaan dhamaystiran laga keenayo balse lagu sii deyn karo damiin hadii uu bixiyo lacag gaareysa $44,000.Balse xabsiga ayuu ku jiraa ninkan dhalinyarada ah ee lagu soo eedeeyay falka tuuganimada ah.