Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyey Qarax iyo Is Rasaaseyn Ka Dhacday Baydhabo Oo Geystey Qasaare Isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac

0
293

Baydhabo(INO)-Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax bambaano iyo rasaas ay ku geeriyoodeen 4 ruux halka ay dad ku dhow tobax ruuxna ku dhaawacmeen.

qarax

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah maqribnimadii ayaa bam uu ka fakaday mid ka mid ah ciidamo dhowaan tababar uu u soo dhamaaday hase yeeshee ciidamo ka agdhowaa halkaa ayaa u qaatay in bamka uu yahay mid lagu soo weeraray waxayna fureen rasaas.

Wararka ayaa sheegaya in askarigii ay ka fakatay bamka aysan waxba gaarin balse ay ciidamadii kale gacanta ku dhigeen oo xabsiga loo taxaabay. Dhowaan ayaa boqolaal ciidamo hoos yimaada Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya tababar loogu soo xirey gobolka Bay.

Dadka ay waxyeelada soo gaartay oo ahaa dad rayid ah ayaa la sheegay inay ahaayeen dad isu diyaarinayay afurka,iyadoo la dhigay isbitaalada ku yaal magaalada Baydhabo dadkii dhaawacyada ay soo gaareen. Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Bay iyo Dowlada Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Inta la ogyaay 4 ruux ayaa Geerootey, ku dhawaad 22 ruux ayaa ku dhaawactmey qaraaxsi, sida uu sheegey Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Baydhabo C/fataax Ibrahim waxa uu sheegey in cusbitalka la soo gaarsiyey 22 ruux oo dhacwyo kala duwan qabo.

Waxaana Uu Sheegey 12 ka mid ah dhaawacyadaasi ay aad u liitaan isla markaana qaar ka mid rasaas madax ka heleeshey, ka dib markii Ciidamada Halkaasi joogey Ay ku fureen  rasaas dadkii halkaasi ku agdhawaa.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here