DEG DEG: Qarax Dhaliyey Dhimasho iyo Dhaawac Oo Ka Dhacey Baydhabo

0
210

Baydhabo(INO)-Wararka Caawa Ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa sheegyaan  in fiidnimadan Magaaladaasi uu Ka dhacey Qarax dhaliyey dhimaasho Iyo dhaawac.

breakingIdaleNews

Qarax ayaa ka dhacey Agagaarka Carwo Bay Star Ee Bartamaha Magaalada Baydhabo ,isla markaana waxa la sheegey in inuu  ahaa Bom gacmeed uu ka fakadey  askari Ka tirsan Kuwo Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo xilligaa ay ku sugnaayeen Goobtaasi.

Inta la ogyaay 6 ruux ayaa Geerootey, ku dhawaad 22 ruux ayaa ku dhaawactmey qaraaxsi, sida dad Goob joogiyaal  ah Ay u sheegeen Warbaahinta Idale News Online isla markaana, waxa isla durba goob Soo gaarey ciidamo isugu jira Boolis,iyo nabad sugida Gobolka Bay, kuwaasoo Halkaasi ka bilowdey Hawlo adag.

Ugu dambeyntii amniga magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa aad loo adkeeyey bishan Barakeysan ee Ramadaan, isla markaana Xoogaga Al-shabaab  ee Soomaaliya waxay kordhiyeen weerarada ay ku qaadeyaan Fadhiismaha Ciidamda AMISOM iyo kuwo dowladda Soomaaliya ay leeyihiin Goboladda Dalka Soomaaliya.

Warkan Wixii Ka Soo Kordho kala Soco wararkeeyaga Dmabe

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here