Dhageyso:Dowladda KGS Oo Ka Hadashey Horumarkii Ay Gaartey Mudadii Ay Jirtey

0
256

Baydhabo(INO)-Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta ka warbxisey, waxqabdkii iyo horumarkii ay ku tilaabsatey tan iyo markii la dhisey daba yaqaadii sanadkii tagey Ee 2014, isla markaana lagu yag leeley Magaalada Baydhabo Janaay ee Xarunta Gobolka Bay.

ugaas xasan

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaraddda Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshadda Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo wareysi siinayey Radio Warsan Ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegey in dowladda KG Soomaaliya ay gaartey Guulo badan oo wax ku ool ah, isagoona xusey in mudo yar ay jirto, hadda ay qabatey arimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta xariirka diplomacy-yada Caalamka, raadinta Geeda Socodka Nabadda koonfur Galbeed Soomaaliya iyo isku dabariddka Hawlaha Guud ee  Shaqadda Wasaaradaha KG Soomaaliya.

“Dowladda KGS sida la ogyahaybe waxay jirta Bilo kooban, oo aan ka badney 6 billod, waad ogtahay dal burbursanaa 24 sano, Nidaamkiisa, dowladnimo iyo soo celinta kala dambeyntiisa waxay u baahan tahay sanado badan, Waxaan is leenahay bilihii la soo dhaafey waxaan helney wax lagu faani karo, oo ay ka mid yihiin Calan babanaya oo ay leeyiihiin bulshadda KGS oo Caalamka ictiraafsan iyo hogaan hagid leh oo aduunyadda laga yaqaano in aan u dooraney Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale waxaan sameynay dib u heshiisiin la taaban karo  walaalahayaga xilligii kala duwanaasha fekirka uu jirey oo la isku keeney, maanta anagga oo dhanba garwaaqsaney in dowladnimadu ay waxtareyso marka wax yaabaha aan ku faaneyno waxaa ka mid ah in dadka qalbigooda isku soo dumo iyo in dowladnimadu aan ogolaano maanta meel weliba oo Dowlad Goboleedyada ku shirayaan aan tagi karno inagoo sidana calankeena” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Dhanka  kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-galinta bulshada Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa ka hadley safaro badan oo madaxweynaha KG Soomaaliya inta la doortey uu kala bixiyey wadamada Dareska la ah soomaaliya iyo nuxuka ay hambaarsanaayeen.

“Dhabcan, dowladda KGS waxay ka mid tahay dowlaha xibinta ka ah Dowadda Federalka Soomaaliya, sida aad la socotaan dhawaan waxa dib ugu soo laabtey Baydhabo madaxweynaha KGS Shariif Xasan iyo  wefdi Ballaran Oo uu Hogaaminayey,oo safaro kula bixiyeen Dalalka Itoobiya iyo Kenya waxaan kala soo hadalney dano u gaar ah Koonfur Galbeed Soomaaliya Gaar ahaan Dowlada Itoobiya oo aynu leenahay Xuduud dheer oo aynu rabno in aan isku kaashanayo Arimaha Amniga iyo arimo kale waxaan aaminsan nahay in aan isku kaashan karno dhan weliba, waxaan rajeyneynaa in Guulo aan ka soo gaarney dhamaan arimihii aad halkaasi u tagney” waxaa sidaas markale yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Halkan Ka Dhageyso, Wariye Shukri Ismaaciil Axmed( Shakri yarey) ayaa warbxintan Baydhabo  Janaay ka Soo dirtey.
Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here