Baydhabo(INo)-Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ciidamada Dowladda Federalka Somalia iyo kuwa Amisom ay faarujinayeen deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa Dowladda Koonfur Galbeed waxay ka hadashay sababta ciidanka ay uga baxayaan deeganadaasi.
Wasiirka Hub ka dhigista, dhaqancelinta iyo Tababarrada Maleeshiyaadka Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Xusen Max’ed ayaa ku sheegay sababta ciidanka ay uga baxayaan deeganada Sh.hoose ay tahay arimo ku aadan xeelado Milateri.
Wasiir Xasan ayaa sheegay inay jiraan deeganada ciidamada Milateriga Dowladda iyo kuwa Amisom ay isaga soo baxeen, wuxuuse sheegay in sababta ay uga soo baxeen ay tahay arimo xeelado Milateri ah oo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in maalmaha soo socda la dareemi doono isbedel ku aadan deeganada ciidanka ay soo baneeyeen oo uu sheegay inay dib ugu noqon doonaan, si ay uga saaraan Xoogaga Shabaab ee deeganadaasi qabsaday.
Inkastoo Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay qirayso ciidanka ka baxay deeganada Shabeellaha hoose, hadana Taliska Milateriga Somalia ayaa si indho la’aan ah u beeniyay in ciidanka ay ka baxeen.
Al Shabaab ayaa fursad ay u tahay ciidamada baneeyayay deeganada Shabeellaha hoose, waxaana Shabaabka ay dib u hanteen gacan ku haynta Degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan Shabeellaha hoose oo ay ka mid tahay, Qoryooleey, Janaale, Awdheegle, Mubaarak, Yaaqbari weyn iyo deegaano kale oo Shabeellaha hoose ka mid ah.
Ugu dambeyntii ,Wixii ka dambeeyay markii Shabaabka ay si xun u laayeen ciidanka Dowladda Burundi ee Amisom qaybta ka ah, ciidamada Amisom baqdin xoogan ayaa soo food saartay, arimahaasi ayaa ugu waaweyn ayaa la leeyahay inay ka baxaan deeganada ay baneeyeen.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo