Dhageyso: Dowladda KGS Oo Lagu Eedayey Inay Ka Gaabisey La Shaqeynta Ciidamadda AMISOM Ee G/Sh/Hoose

0
249

Marka(INO)–Dowladda Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa lagu eedeeyey in ay leeyihiin masuuliyada ay ciidamada AMISOM uga baxeen magaalooyin ka mid ah gobalkaas, ayna iskugu tageen duleedka magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

kgsomali

Gudoomiye kuxigeenka Hore dhanka amaanka ee gobalka Shabeelada Hoose Axmed Cumar Maxamed  oo xilka ka tuurtey Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee KGS ayaa u sheegay warbaahinta gudaha Soomaaliya in ay Koonfur Galbeed la imaan weyday hanan wada shaqeyneed oo dhexmara labada dhinac.

Kuxigeenka gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday Leego xataa uu ku yimid habacsanaan ciidamada ka socday dhinaca Koonfur Galbeed ah, wuxuuna sheegay in ay arimahan kala hadleen dawladda Soomaaliya.

Mr, Axmed wuxuu kaloo tilmaamay in ay AMISOM hada ka baxday inta badan gobalka Shabeelada Hoose, ayna taasi fursad siinayso kooxaha ka soo horjeeda dawladda ee Shabaab, oo bilihii ugu dambeeyey kordhiyey weerarada ay ku qaadayaan deegaanada Shabeelada Hoose.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here