Dowladda Itoobiya Oo Madaxweyne Shariif Xasan Ka Dalbatey Inay Isku Fadiso Gobolka Shabellaha Hoose

0
195

Baydhabo(INO)-Saraakiisha Ciidamada Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya ayaa Madaxweyne Shariif Xasan ka dalbaday in Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM saldhig looga dhigo ilaa Deegaanka Siinka dheer, oo u dhow Muqdisho.

shariifka iyo haylamary

Dad xog ogaal ah ayaa Shabakadda Warbaahinta Madax banaan Ee Idale News Online u sheegay in saraakiisha Ethiopia ay  Madaxweyne Shariif Xasan  Sheekh Aadan ka dalbadeen in Ciidamada kale ee AMISOM ay kawada baxaan Gobolada Shabellaha Hoose si ciidamada Ethiopia ay xor ugu noqdaan gabi ahaan deegaanada Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan  Sheekh Aadan ayaa la sheegay inuu soo dhoweeyey go’aanka ciidamada Ethiopia, uuna dalab u gudbin doono madaxda AMISOM.

Qorshaha Ciidamada Burundi ay uga soo baxeen fariisimihii ay ku lahaayen Shabellaha Hoose ayaa qeyb ka ah arrintaas, waxaana Burundi ay Ethiopia ku eedeeyeen inay ku lug lahayd weerarkii lagu qaaday xaruntooda Leego, si meesha looga saaro.

Ugu dambeyntii,Warar aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay dib uga laabanayaan Deegaanada Shabellaha Hoose oo ay rabaan inay gacanta ku wada dhigaan.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here