Muqdisho(INO)— Sida ay daabacday wargeyska Foreign Policy Mareykanka ayaa labo saldhig oo qarsoodi ku leh Soomaaliya, kuwaasoo uu u isticmaalo weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones.
Qaar waxay leeyihiin Mareykanka meel kasta ayay joogaan, kuwa kalena waxay leeyihiin ma joogaan, halka kuwa kale ay leeyihiin mar mar waa ay joogaan, laakiinse waxaa hubaal ah joogitaankooda magaalada dekeda leh ee Istiraatiijiga ah ee Kismaayo ee Koofurta Soomaaliya.
In ka badan 120 ka tirsan Milateriga Mareykanka ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira dhinaca Sirdoonka iyo la dagaalanka Argagixisada, waxaana ay ka howl galaan labo saldhig oo ku kala yaala garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha Balli-doogle oo ku dhow magaalada Muqdisho.
Ciidamada qaaska u tababaran ee Mareykanka ayaa Ciidamada AMISOM ka taageera la dagaalanka Al-Shabaab, waxayna mararka qaar kala qeyb qaataan howl gallo wada jir ah, sida ay xaqiijiyeen askar ka tirsan ciidanka Uganda.
Wargeyska Foreign Policy oo soo xiganaya ilo xog xogaal ah ayaa sheegaya in sababta saldhigyadan qarsoodi ah ee uu Mareykanka ugu leeyahay Soomaaliya ay tahay in diyaaradaha Drones ay dhaqse u howl galaan, bedelkii ay masaafo dheer ka imaan lahaayeen.
Saldhigyo uu Mareykanka ku leeyahay wadamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Jaziirada Seychelles ayaa inta badan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones ka imaan jireen, si ay duqeymo dhinaca cirka uga fuliyaan Soomaaliya iyo bartilmaameedyo gaar ah oo ka tirsan Ururka Xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Maamulka Jubbaland C/qani Cabdi Jaamac ayaa u sheegay Wargeyska in saldhigan loo isticmaalo howl galada ka dhanka ah Argagixisada, isla markaana la socda dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Jubooyinka.
Saraakiil muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Wariye ka tirsan Wargeyska Foreign Policy oo la yiraahdo Ty McCormick in saldhiga Mareykanka uu ku yaalo meel ku dhow garoonka diyaaradaha Kismaayo, isla markaana diyaaradaha Drones ay ka duulaan Runwayg-a ama dhabaha diyaaradaha Kismaayo, waxaana marar badan dhacday in la hakiyo duulimaadyada caadiga ah.
Afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan ee loo yaqaano AFRICOM ayaa ka gaabsaday inuu sheego in tirada saxda ah ee ciidankooda iyo goobaha ay joogaan, isagoo xusay in ciidamada gaarka ah la geeyay gobolka, kuwaasoo loo xilsaaray inay si toos ah uga howl galaan waxa uu ugu yeeray kooxaha cadawga.
Mareykanka ayaa qaaday weeraro ka dhan ah Al-Shabaab oo ay fuliyeen diyaaradaha Drones iyo Helicoptero tan iyo sanadkii 2007-dii, sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa sanadkii 2014 dishay Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Ahmed Abdi Godane.
Idale News Online, Muqdisho