Dhageyso: Wasiirka Hub Ka Dhigista iyo Dhaqan Celinta Ee KGS Oo Ka Hadley Qorshaha Wasaaradiisa

0
211

Baydhabo(INO)-Wasiirka Wasaaradda hub ka dhigist,Dhaqan celinta iyo tababaradda Maleeshiyaadka Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa ka hadley Qorshaha Wasaaradiisu  ee Ku aadan Dagaal yahnadda Mayalka Adag ee Soomaalida Al-shabaab Ee ka soo goostaan, isla markaana ay soo u Magal-galaan Ciidamadda Dowladda KGS.

xasan eelay

Waxa uu sheegey in  xarumo lagu  tababaraayo  sidoo kalena laguna dhaqancelinaayo maleeshiyaadka ka soo Goosta Al-shabaab laga hergaliyey, Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay,kuwaasoo uu sheegey in markii ay u soo gacan Galaan Wasaaradda ay helaan Daryeel wanaagsan iyo weliba dhaqan celin toosan.

” Waxaa la hawl galiyey Xumo horey u jirey waxaa ku jira Maleeshiyaad badan oo  ka soo Goostey Xoogaga Al-shabaab, waxabarasho ayey haystaan, Awalan waxaa la baraa Diinta islaam-ka, Maadiga iyo Ganacsiga, iyo  sidoo kale qof waxii isaga doonayo, dhalanyadda la khaldey, waxaan leeyahay  kaalaya waa la idin soo dhaweynaya” ayuu yiri Xasan Eelaay.

Sidoo kale, Wasiir Xasan Xusen Maxamed  waxa kale uu u hanjabey dagaal yahanadda Ajaanibta ah ee ka barbar dagaalama Kooxda Al-shabaab in laga saarayo Degaanadda  KG Soomaaliya isla maarkaana waxa uu tilmaamey in shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay difaacayaan Kooxdaasi.

“Kuwo kale Ee Madax Adag ee Ka yimi  Wadanka Banaankiisa ama soomaali ha u dhashaane, oo dadkan dhiigooda doonayaan inay waraabaan, ama duleystaan oo kaliye Muhiimadooda noqoteyna, waxaan Balan nagu ah in aan ka difaacno Shacabka” ayuu yiri mar kale Xasan Xuseen.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Hub ka dhigista, dhaqancelinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka KGS ayaa waxay Dhawaanahan Tababartey Boqolaal ciidamo isugu jira Boolis iyo Ciidamdda Daraawiishta, kuwaasoo u hawl-gal qaab Maliteri, isla  Markaana, dhoor jeer ay is hor fadhiisteen Dagaal yahnadda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Codka Xasan Xuseen Maxamed

Idale News Online, Baydhabo

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here