Muqdisho-(INO)–Madaxweynada Jamhuuriyada Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Max’uud oo xalay ka hadlayay Munaasibadda 1da Julay ee ku beegan Xuska Madaxbanaanida Gobolladada Koofurta iyo israacii labada Gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Dalka.
Madaxweynaha ayaa Qudbadda uu jeediyay oo aad u dheer waxaa ay taabaneysaa dhinay badan oo quseeya Xaaladaha Dalka.
Waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah: Hiigsiga 2016 oo uu sheegay in ay doorasho dhaceyso isagana haddii la doorto uu sii wadayo shaqada haddii aan la dooranna uu Xafiiska sharaf ku wareejinayo.
waxaa kale oo uu ka hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabab oo uu sheegay in wax kasta ay Xallin karaan marka laga reebo Shabaab oo uu sheegay in wadajir looga adkaan karo.
Munaasibadda oo ay xalay ka qeyb galeen Masuuliyinta sare ee Dalka waxaa ay ka dhacday Xarunta Dowladda hoose ee Muqdisho- “officio Governo”
Dhageyso: Khudbadda Madaxweynaha oo dhamystiran:
Idale News Online, Muqisho