Dhageyso:Maamulka Jubba Oo Heegan Geliyay Ciidamada Iyo Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan Ka Jira Kismaayo

0
253

Kismaayo(INO)— Maamulka Jubba ayaa heegan geliyay ciidamadiisa, kadib markii laga war-helay weeraro ay qorsheynayaan Al-Shabaab inay ku qaadaan xarumaha ciidamada iyo kuwa maamulka.

JUBBA

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubba ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay xeryaha difaaca Kismaayo iyo talisyada ciidan ee gudaha, si looga hortago weeraro ka yimaada Al-Shabaab.

Halkan Ka Dhageyso.

Ciidamo cusub oo ka tirsan ciidamada daraawiishta Maamulka Jubba ayaa lagu xoojiyay goobihii ay horay ciidamada u joogeen.

Dadka deegaanka Kismaayo ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaq ciidan uu ka jiro gudaha magaalada Kismaayo, isla markaana ay jirto cabsi laga qabo weeraro Al-Shabaab ay soo qaadaan.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeen hore weeraray xarunta Akadeemiyada oo ku taal duleedka magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku dileen illaa 10 askari oo ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubba.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Gobollada dalka.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here