Dhageyso:Hawl-Galo Adag Oo Ka Socoda Degmada Berdaale Ee Gobolka Bay

0
333

Berdaale(INO)-Saraakiisha Ciidamada amaanka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyay howlgalo ciidamada ay ka sameeyeen deegaano Hoos yimaada degmadaasi.

hawl

Sida ay Saraakiisha ciidamada sheegeen,howlgalka ayaa lagu baacsanayaa dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo la sheegay inay ku dhuumaleysanayaan deegaano ku xeeran degmada Bardaale ee gobolka Bakool.

Waxay tilmaameen Saraakiisha inay ku daba jiraan raga ka tirsan Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Bardaale ee Dowlada federaalka Soomalaiya ayaa Al-shabaab ku eedeeyay inay qof rayid ah ku gowraceen mid ka mid ah deegaanada Hoos yimaada degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid lagu soo qabtay howlgalka,inkastoo wali uu socdo.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Berdaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here