Wasaarada Arrimaha Dibada oo u yeertey diblaasiyiinta safaaradaheeda dibada

0
215

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Jamaal Maxamed Baroow oo ka mid ah masuuliyiinta dhowaan uu magacaabey Ra’iisul Wasaare Saacid Shirdoon, kana mid ahaa Madaxda NGO ka howlgala Magaalada Muqdisho iyo Ku xigeenkii Hay’ada Maareynta Masiibooyinka ayaa maanta mar uu ka hadlaayey isbedelka wasaaradiisa lagu sameyn doono sheegey in loo yeeray safaaradaha iyo qunsuliyadaha Somalia ku leedahay dalalka dibada.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegey in wasaaradiisu dooneyso iney wax badan ka qabato is barbaryaaca safaaradaha Somalia ee dalalka dibada, isla markaasna wanaajiso tayada iyo shaqada diblamaasiyada safaaradaha Soomaaliya iyadoo wasiirku xusay in safaaradaha qaarkood  isbedel dhab ah lagu sameyn doono  lana magacaabi doono dad aqoon durugsan u leh shaqada isku xirka Somalia iyo dalalka dibada.

Dhagayso wareysiga wasiir ku xigeenka Jamaal Barow

 

Idale News Muqdisho