Dhamaan dadka qaxootiga ah ee kunool gudaha dalka Kenya ayaa aadi doona xerooyinka qaxootiga ee gobolka Waqooyi Bari iyo gobolka Rift Valley sidaas waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowlada Kenya.
Dadka Soomaalida ah ayaa aadi doona dhanka xerooyinka Dadaab halka dadka kale ay aadi doonaan dhanka xerada qaxootiga ee Kakuma.
Warkan soo baxay ayay Kenya ku sheegtay in ay tahay mid lagu sugayo amaanka magaalooyinka waa weyn e Kenya.
Kenya ayaaa isla xariirisay falalka amaan xumo ee ka jira gudaha dalkeeda iyo Soomaalida qaxootiga ku ah Kenya, gaar ahaan magaalooyinka waa weyn sida Nairobi.
Sargaalka ugu sareeya dhanka Arimaha qaxootiga Kenya Badu Katelo ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay jaritaanka kaarka qaxootiga e dal ku jooga ah
Mr Katelo ayaa sheegay in hay’ada QM uqaabilsan dhanka qaxootiga UNHCR ay weydiisteen in ay joojiyaan shaaqada ay uhayaan dadka doonaya kaararka qaxootanimo
“waxaan usheegnay in howlahooda ay tahay in ay uwareejiyan dhanka xeryaha qaxootiga” ayuu sheegay Mr Katelo oo arimaha qaxootiga Kenya.
Warbixin lasoo dhigay Webka Hay’ada UNHCR ayaa lagu sheegay in qaxootiga Soomaalia ee Kenya kunool ay tiro ahaan gaarayaan 450,000, waxaana loo qabtaa shaqooyin kala duwan.
Hase ahaatee dad badan ayaa aamisan in tirada dadkaas aysan macquul ahayn in loo qeybiyo xerooyinka waa weyn ee sedexda ah Ifo, Dagahaley and Hagadera oo Dhadaab kutaal, waxaase xeradaas loogu talagalay oo kaliya 90,000.
Dhinaca kale in kabadan 80,000 oo qaxooti ah ayaa ku nool xerada Kakuma waxaana ku jir Soomaali gaaraysa 43,000, halka kuwa kalana ay kasoo kala jeedaan dalal kale oo Afrikaan ah
Wadamaas ay kasoo jeedaan qaxootiga kale ayaa kala ah Sudan, Ethiopia iyo Democratic Republic of the Congo.
Idale News Nairobi/Kenya