Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Taagyeertey Kala Dirista Baarlamanka Jubba

1
370

Baydhobo (INO) — Dowladda  Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa  soo dhaweeysay Go’aankii Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay Go’aanka uga gaareen Golaha Wakiilada Jubbaland,

Teaser Image Kala dirista Baarlamaanka Axmed Madoobe oo si weyn loo taageeray

Jubbaland,

Warsaxaafadeed ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe markii horeba si aan Sharci aheyn kusoo Xulay Xildhibaanada, sidaasi darteedna uu Go’aankii Baarlamaanaka Soomaaliya ku kala eryeen uu ahaa mid Aad u wanaagsan.

Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horey uga soo horjeestay Dhisamaha Baarlamaanka Jubba , kadib markii Beelaha Digil iyo Mirifle ee deggan Jubboyinka aan  si cadaalad ah looga qeybgelin Dhisamaha Baarlamaanka.

Axmed Madoobe ayaa Afhayeenka Baarlamaanka Jubba u magacaabay Nin Maleeshiyadiisa Raas Kambooni kamid ahaa oo Beel ahaana kasoo jeeda DM, taasina ay diideen Shacabka la sheegay inuu matalayo.

Si kastaba, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay Kalsoonida kala laabtay Golaha Wakiilada Jubba,iyadoo 132 Xildhibaan ay Codka U diideen 142 Xildhibaan oo Kulankii shalay soo Xaadirtay.

Dhanka kale, Maamulka Jubba oo ka taliyo Jubooyinka , ayaa sheegay in Xariirka ay u jareen Dowladda Federaalka ah Soomaaliya oo aysan wax wada shaqeyn danbe la yeelan doonin, maadaama Baarlamaanka Soomaaliya kala diray Baarlamaankiisa.

Idale News Online – Xafiiska  Baydhabo

1 COMMENT

  1. Qofka qora shabakadda Idalenews.com waad mahadsan yahay, sxbyaalo noo soo badiyo barnaamiyja KGS iyo halgan,waan ku faraxsanahay tilaabada ay qaadey dowladda KG Soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here